Codbixiyaasha Botswana ayaa ka codeeyay xisbiga talada haya ee dalkaas, taasoo ka dhigan in dhulgariir siyaasadeed uu ka dhacay dalka qaniga ku ah dheemanka.
Xisbiga Dimuqraadiga ee Botswana (BDP) – oo talada haya tan iyo markii ay xornimada qaateen 1966, ayaa ku guuleystay hal kursi oo baarlamaani ah saaka oo Jimco ah.Waxay u egtahay in lagu badali doono Dallada Isbedelka Dimuqraadiyada ee UDC.
Madaxweyne Mokgweetsi Masisi ayaa aqbalay guul-darrada, isaga oo sheegay in ay caddahay in xisbigiisa BDP uu guul-darraystay.
Sida muuqata isbadel weyn ayaa dhacay Botswana, kobac dhaqaale oo liita iyo shaqo la’aanta sare u kacday ayaa hoos u dhigtay taageerada xisbiga.