Xilliga uu furmayo Kal-fadhiga 4aad ee Aqalka Sare oo la shaaciyay

Guddiga joogtada ah ee Golaha Aqalka sare ayaa maanta kullan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho waxay kaga hadleenn ka tashiga furitaanka kalafadhiga 4-aad ee Golaha Aqalka sare iyo waliba xogwareysi halka uu marayo dadaaladii ay wadeen Aqalka sare ee lagu xalinayay khilaafka Dowladda Federaalka iyo Maamul Gobolleedyada dalka.

Kullanka ayaa waxaa shirguddoominayay Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi,waxayna inta badan Senatarada aragtiyo ka dhiibteen furitaanka kalafadhiga 4-aad ee Golaha Aqala sare.

Senator C/kaafi Macallim Xasan oo ah Habdhowraha Golaha Aqala sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in la isku afgartay in ugu danbeyn la furo kalafadhiga 4-aad ee Golaha Aqalka sare 15-ka bishan Octoober.

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa muddooyinkii danbe ku mashquulsanaa dhammeynta is-afgaran waagii ka dhex jiray Dowladda Federaalka iyo Maamulk Gobolleredyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor