Xilka qaadis lagu sameeyey Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Doorashooyinka Qaranka (Wareegto)

Guddiga Madaxabannaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa xilka ka qaaday Guddoomiye ku xigeenka Guddiga isla mar ahaanta ka saaray xubinnimada.

Qoraal ay soo saareen Guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa lagu sheegay in Masuulkaas uu ku xadgudbay sharciga guddiga,isla markaana Dacwadaha ka dhasha go’aanka guddiga ay kaliya go’aan ka gaari karta maxkamadda sare ee dalka.

Kiiskan ayaa soo socday muddo lix bilood ah, waxana gabagabadii guddigu soo saareen go’aan ay ku caddaynayan in ay xilka iyo xubinnimada labadaba ka qaadeen Mudane Sayid Cali oo ahaa xubin ka tirsan isla mar ahaantana guddoomiye ku xigeenkii guddiga.

Guddigan oo ka kooban sagaal xubnood ayaa la aasaasay April 2, 2015. Go’aankan cayrinta xubinta guddiga ayaa ah  kii u horreeyey guddigu ku qaado xubin ka tirsan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor