Xiliga ay dhaceyso Doorashada Guddoonka Baarlamaanka K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Doorashada Guddoonka Baarlamaanka labaad ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa soo saaray habraaca Doorashada Guddoonka Baarlamaanka KGS.

Qoraal kasoo baxay Guddiga Doorashada ayaa waxaa lagu sheegay in diiwaan-gelinta Musharaxiinta Guddoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed ay bilaabaneyso 29-ka Maarso ayna ku egtahay 30-ka Bishaan.

Sidoo kale Qoraalka Guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in Khudbadaha Musharaxiinta la dhageysan doono 31-Bishaan Maarso 2020.

Ugu dambeyn Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed iyo labadiisa ku-xigeen ayaa dhici doonta 1-da Bisha soo socota ee April ee 2020.

Hoos ka Akhriso Jadwadka Doorashada ee lasoo saaray.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media