Xildhibaano ku baxay xiisad dagaal oo ka jirtay degmada Balcad

Labadii maalmood ee la soo dhaafay waxaa degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ka taagneyd xiisad dhalisay Gacan ka hadal oo u dhaxeyay Guddoomiyaha degmadaas iyo taliyaha NISA ee degmada Balcad.

Xildhibaano uu ka mid yahay Xildhibaan Cabduqaadir Carabow oo ka tirsan Golaha Shacabka,Xildhibaan Bulli iyo Xildhibaan Maxamuud Xuseen gudbaayo oo ka tisan Baarlamaanka Hir-Shabeelle ayaa ku baxay xiisadaas si loo soo afjaro.

Kulan ka dhacay degmad Balcad oo ay goobjoog ka ahaayeen Xildhibaan Cabduqaadir Carabow,Xildhibaanada ka tirsan Baarlamaanka Hir-Shabeelle,Guddoomiyeyaashii hore ee Balcad Saneey iyo Xaadoole  ayaa lagu kala qaaday ciidamadii dagaalamay.

Dagaalkii ka dhacay degmada Balcad ayaa markii hore kasoo bilaawday khilaaf dhexmaray Xoghayaha degmada Balcad Yuusuf Cali Meyraale iyo guddoomiyaha degmadaas,hayeeshee uu saameeyay Taliyaha Nabadsugida degmadaasi Balcad.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor