Xildhibaano ka tirsan labada Golle Baarlamaanka oo Eedeyn u jeediyay Beesha Caalamka

Xildhibaano ka tirsa labada Golle ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee Maalmahan ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa eedeeymo kala duwan u jeediyay Beesha Caalamka.

War-saxaafadeed ay soo saareen Xildhibaanada labada Golle Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay hannaanka ay u socoto doorashada dowlad Goboleedka Jubbaland.

Sidoo kale Xildhibaanada ayaa sheegay in dadaalada todobaadyadii la soo dhaafay Beesha Caalamka ku bixineysay arrimaha Doorashooyinka Jubbaland ay u muuqdaan kuwo dhinac kaliya Culeys saaraya.

Warka kasoo baxay Xildhibaanada ayaa a ku sheegeen in Xukuumadda Federaalka ay faragelin ku heysto Doorashada Jubbaland,isla markaana ay iska indho tirayaan  Dastuurka iyo shuruucda dalka.

Ugu dambeyntii Xildhibaanada ka tirsan  ee Maalmahan ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa Beesha Caalamka ugu baaqay in aysan garabsiin fowdo iyo Shuruucda dalka oo lagu tunto.

 Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka ay soo saareen Xildhibaanada.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media