Xildhibaano ku baaqay in la hubiyo Hantida taalla Xarunta Villa Somalia

Xubno Xildhibaano ka tirsan BFS ayaa codsaday in la hubiyo Hantida Dowladda ee taalla Xarunta Madaxtooyadda ee Villa Somalia, ka hor intaysan dhicin Munaasabad Xil-wareejinta.

Xildhibanaadaasi oo Wareysi Khaas ah siiyey Radio Dalsan waxay ku eedeeyeen in Madaxa haatan ugu sarreeya Shaqaalaha Madaxtooyadda uu la baxayo iyo inuu iibinayo Hantida Dowladda ee taalla Villa Somalia.

Waxay kaloo carrabka ku dhufteen in qaar ka mid ah Gaadiidka iyo Qalabka Milliteriga ee yaalla Madaxtooyadda horey loo qaatay, waa sida ay hadalka u dhigeen.

“Qaar annaga naga mid ah ayaa loo ballan qaaday Gaadiidka, haddii aan u codeyno Madaxweynihii hore. Qaarkeen waa la siiyey, halka kuwo kalena weli sugayaan in la siiyo Gaadiidkaasi” ayuu yiri mid ka mid ah Xildhibaanadda BFS oo la hadlay Radio Dalsan.

Waxa uu intaasi ku daray in hantida la bixiyey ama la iibiyey ku jiraan Gaadiidka Gaasahaaman.

Dhinaca kale, Xildhibaanadda ayaa sheegay in ay cabashadooda u gudbin doonaan Xeer-ilaaliyaha Guud si uu u amro in la hubiyo dhamaan Hantida taalla Villa Somalia inaan lala bixinin.

Xildhibaan kale ayaa isagana ugu baaqay Madaxweynaha Cusub inuu hubiyo inaan wax Hanti Qaran ah lagala bixinin Villa Somalia, ka hor inta uusan ka shaqo bilaabin Xarunta Madaxtooyadda Qaranka.

Madaxweynaha cusub ee Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la filayaa in Munaasbaadda uu Xilka kula wareegayo la qabto bishan February 22-da.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media