Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Kenya oo gaaray Magaalada Hargeysa

Maanta oo Khamiis ah waxaa magaalada Hargeysa ee caasimadda maamulka Soomaaliland gaaray wefdi ka socday Kenya oo uu hogaaminayay hoggaamiyaha Xildhibaanada laga tirada badan yahay (minority) ee Baarlamaanka Kenya.

Makii uu ka degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ayaa waxaa soo dhaweynta wefdigaan ka qeyb qaatay masuuliyiin ka tirsan Soomaaliland iyaga oo intaasi kadib kulan gaar ah yeeshay.

Junet Mohamed oo ah hogaamiyaha Xildhibaanada laga tirada badan yahay (minority)  ayaa ujeedka uu u tegay Hargeysa  waxaa lagu sheegay inay tahay sidii loo  xoojin lahaa xiriirka u dhexeeya Somaliland iyo Kenya.

Socdaalka mudanahaan oo ahaa mid aan lasii shaacin ayaan la ogeyn inta cisho ee ay ku sugnaanayaan magaalada Hargeysa hasy’ahaatee waxaa jira kulamo kala duwan ay la qaadan doonaan masuuliyiinta maamulka Soomaaliland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media