Xildhibaano ka hadlay Khilaafka Wasaaradda Waxbarashada iyo Puntland

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee deegaan doorashadoodu tahay Puntland ayaa Maanta ka hadlay Kilaafka dhinaca Waxbarashada ah ee u dhexeeya Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya iyo maamaulka Puntland.

Xildhibaanadan oo Maanta warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay eedeeyn u jeediyeen Wasiirka Waxbarashada dowladda Cabdullaahi Goodax Barre oo ay sheegeen inuu been ka sheegay Waxbarashada Puntland.

Sidoo kale Xildhibaanada ayaa waxaa tilmaameen in Waxbarashada aan la siyaasadeyn kari, isla markaana aan loo isticmaali Karin awooda Qaranka, iyagoona xusay in Wasiir Goodax uusan shahaado diidi karin.

Xildhibaanada Baarlamaanka dowladda ee kasoo jeeda Puntland ayaa  waxaa ay sheegeen in Arrinta shahaado siinta Arday deegaanada Puntland  ay kala hadli doonaan  Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Dhinaca kale Xildhibaanada ayaa Mas’uuliyiinta Waxbarashada Puntland ku eedeeyay inay waxyaabaha qaarkood ay si qaldan u fasirteen, isla markaana waxaa ka dalbadeen inay joojiyaan arrimahaas ah in si qaldan wax u fasiraan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media