Xildhibaano Golaha Shacabka oo mooshin ka keenay heshiisyo ay gashay Dowladda Somalia

Tiro ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa Maanta mooshin ka keenay heshiisyadii iyo is afgaradyada dowladda Federaalka la gashay dalal shisheeye.

Qoraal ay ku saxiixan yihiin 10 ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa loo gudbiyay Guddoonka Golaha,waxaana ay ka dalbadeen inuu furo dooda ku saabsan heshiisyada ay dowladda hadda jirta la gashay dalalka Shisheeye.

Qoraalka Xildhibaanada soo saareen ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa in aan Shacabka Soomaaliyeed lala wadaagin heshiiskii Saddex Geesoodka ahaa ee dalalka Soomaaliya Itoobiya iyo Ereteriya.

Hoos Ka Akhriso Qoraalka ay soo saareen Xildhibaanada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor