Xalay waxaa ka dhacay shir siyaasadeed oo xasaasi ah guriga uu Muqdisho ka degan yahay madaxweynihii hore ee dalka, Xildhibaan Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Shirkan waxaa ka qeyb galay in ka badan 40 Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka ee BFS, iyo siyaasiyiin hore xilal uga soo qabtay dowladda, kuwaas oo ay ku jiraan guddoomiyayaal hore oo ka soo shaqeeyay Gobolka Banaadir iyo wasiirro hore.
Inta badan kulanka, oo socday saacado badan, waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka soo socda. Inkastoo aan la shaacin wixii rasmiga ah ee ay dhinacyadu isku afgarteen, wararka soo baxay ayaa tilmaamaya in la isku raacay in kulamada noocaan oo kale ah la sii wado, lana badiyo tirada ka qeyb galayaasha iyo heerarka shirka.
Waxaa jiray tuhuno sii xoogeysanaya tan iyo markii uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku dhawaaqay qorshaha hub ka dhigista siyaasiyiinta iyo saraakiisha hubeysan. Siyaasiyiin badan ayaa ka shakisan in hadalka madaxweynaha uu xiriir la leeyahay qorshaha doorashooyinka ee dowladda. Shirkan ayaa u muuqda mid ka mid ah kulamada siyaasadeed ee looga arrinsanayo arrimahaas.