Xildhibaano Aqalka Sare oo Lagu Doortay Muqdisho.

Laba kursi oo kamid ah Aqlka Sare uguna danbeeyey Golahaasi ayaa maanta Kuraastaasi waxaa ay doorashadoodu ka dhacday magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta gaadiidka Booliska waxaana kusoo baxay Bilaal Idiris Cabdulaahi iyo Saciid Cabdi Xuseen oo kuguuleestay Labadii kursi ee ugu danbeysay Baarlamaanka Aqalka Sare.

Xildhibaan Bilaal Idiris Cabdulaahi ayaa kusoo baxay kusriga 1-aad oo helay Codad dhan 23-tan halka kusriga 2-aad uu ku guuleestay Xildhibaan Saciid Cabdi Xuseen kadib markii ay tanaasushay Maryan Axmed Xuseen oo kula tartameysay Kursigaasi, waxaana uu sidaasi Xildhibaankan ku noqday Senator-k ii 54-aad ee ugu danbeeyey Aqalka Sare.

Guud ahaan doorashada Dalka ayaa mareysa meel gabagaba ah waxaana kaliya harsan tan madaxweynaha oo ay ka harsan tahay wax kayar 24-tan Saac iyadoo Birri oo Arbaca ah la filayo inay ka dhacdo doorashadaasi Xarunta Ciidamada Cirka ee Afisiyooni waxaana codadkooda dhiiban doona 329 mudane oo ka kooban Labada Gole e barlamaanka Dalka.

 

 

 

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media