Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si mideysan ugu heshiiyay in qeyb ka mid ah mushaarkooda ay ugu deeqaan taageerada Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka, kuwaas oo dagaal culus kula jira kooxaha Khawaarijta iyo Daacish.
Go’aankan ayaa ka dhashay dood qoto dheer oo ay yeesheen mudanayaasha, waxaana Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), uu ku dhawaaqay in la magacaabi doono guddi gaar ah oo ka shaqeeya hirgelinta soo jeedintan.
Dhanka kale, Golaha Shacabka ayaa ansixiyay laba Hindise Sharciyeed oo muhiim ah:
-
Hindise Sharciyeedka Dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah
– Waxaa ogolaaday: 136 Xildhibaan
– Waxaa diiday: 1 Xildhibaan
– Waxaa ka aamusay: 5 Xildhibaan -
Hindise Sharciyeedka Barakacayaasha
– Waxaa ogolaaday: 136 Xildhibaan
– Waxaa diiday: 4 Xildhibaan
– Ma jirin wax ka aamusay
Ansixinta sharciyadan ayaa qeyb ka ah dadaallada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu ugu jiro horumarinta adeegyada bulshada iyo taageerada dadka nugul.