Xildhibaankii ugu horreeyay oo lagu doortay Magaalada Ceelwaaq

Waxaa Maanta oo jimco ah Magaalada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ee Jubbaland ka bilaabatay doorashada kuraas ka tirsan 16-ka kursi Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee ku harsan dowlad Goboleedka Jubbaland, kuwaasi oo laga wareejiyay Magaalada Garbahaarey.

Kursiga koowaad ee doorashadiisa ka dhacday Ceelwaaq ee tirsigiisu yahay #HOP119 ayaa waxaa ku tartamay laba Musharax oo kala ah Cabdicasiis Cabdullaahi Ibraahim iyo Cabdullaahi Abukar Xaaji Carab oo ah Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda xilgaarsiinta.

Wasiir Cabdullaahi Carab ayaa kusoo baxay doorashada kursiga #HOP119, kadib markii inta aysan bilaaban doorashada uu tartanka ka haray Musharaxii la tartami lahaa ee Cabdicasiis Cabdullaahi Ibraahim oo markii hore Guddiga diiwaan-geliyeen.

Ergada doorashada kursigaan ayaa Cabdullaahi Carab ugu coddeeyay qaab gacan taag ah, sida ay Natiijada doorashada ku dhawaaqeen Guddiga doorashada dowlad Goboleedka Jubbaland oo goobjoog ka ahaa doorashadii Maanta dhacday.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka heer Federaal Muuse Geelle Yuusuf ayaa sidoo kale goobjoog ka ahaa doorashada qabsoontay, waana kursigii ugu horreeyay ee Golaha Shacabka lagu doortay Ceelwaaq oo loo wareejiyay deegaan doorashada labaad ee Jubbaland.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor