Madaxweyne Farmaajo oo xalay Kulan Khaas ah la yeeshay Xildhibaanadda iyo Odayaasha Dhaqanka Beesha Mundulood.

Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo waxa uu Xafiiska Villa Somalia ku qaabilay Xildhibaano, Siyaasiyiin, Iimaamka, Ugaaska iyo Suldaanka Beesha Mundulood, waxayna ka wada hadleen Xaalladda dalka, Taageeradda Beesha la garab tagaan tahay Madaxweyne Farmaajo iyo magacaabista Xilka Ra’isul-wasaaraha Xukuumadda Federalka.

Kulankaasi oo socday muddo 2 saacadood waxa uu Madaxweynuhu muujiyey inuu ku faraxsan yahay La-kulankooda, wuxuuna xusay inuu u baahan yahay Taageeradda Siyaasiyiinta, Dhaqanka iyo Ururradda Bulshadda ee Beelaha Soomaaliyeed.

Xubnihii Beesha Mundulood ee Kulankaasi  ka hadlay waxay muujiyeen Hamiga ay Beesha ka leedahay ilka Ra’isul-wasaaraha, waxayna hoosta ka xariiqeen inay Madaxweyne Farmnaajo ka rajeynayaan inuu mudnaan siiyo Qoddobaddii ay ka wada hadleen.

Dhinaca kale, 15-ka xubnood ee Beesha Mundulooe ee  la kulantay Madaxweynaha waxaa ka mid ah Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali iyo Caddow Cali Gees oo ka mid ahaa Murashixiintii ugu cadcadaa ee  Tartanka Doorashadda Madaxweynaha, kuwaasi oo  Codadkooda Wareeggii 2-aad ku taageeray Madaxweyne Farmaajo oo ka mid ahaa Murashxiintii u soo gudbay Wareegga 2-aad ee Doorashadda, oo ugu dambeyntii Mdaaxweyne Farmaajo ku guuleystay.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media