Xildhibaanada waqtigooda dhammaaday oo Maanta kulan yeelanaya

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ee xil-gaarsiinta ah ayaa Maanta oo Isniin ah waxaa la filayaa in mid kamid kulamadoodii caadiga ahaa ay ku yeeshan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Ajendaha kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa uu yahay sida lagu shaaciyay Qoraal kasoo baxay Golaha shacabka, Akhrinta labaad ee Qoondada Miisaaniyadda dowladda Federaalka ee sanadka Cusub ee 2021.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee waqtigoodu dhammaaday ayaa xalay waxaa loo diray fariimo ku aadan in Maanta uu jiro kulan, isla markaana laga doonayo inay kasoo qeyb gaalan kulankaas, si loo dardar geliyo howlaha weli horyaalla Golaha.

Maalintii shalay aheyd ayuu dhammaday muddo xileedkii Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, iyagoona xilka siheyn doona ilaa iyo inta laga soo dooranayo Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa horey u shaaciyay in Xildhibaanada ay sii shaqeyn doonaan ilaa inta laga soo dhaarinayo Xildhibaanada Cusub, xili uu weli khilaaf ka taagan yahay doorashada dalka ka dhaceysa.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media