Kulan ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho Xildhibaanadii mooshinka ka gudbiyey gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa waxa ay kaga hadleen Shaqaaqadii Arbacadii ka dhacday Xarunta Baarlaamnka iyo mooshinkii ay ka gudbiyeen Gudoomiyaha.
Kulanka ayaa waxaa ka hadlay xildhibaano dhowr ah kuwaas oo weli sheegaya in uusan burun mooshinkii ay ka gudbiyeen gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari,iyaga oo sidoo kale sheegay in ay gaarayaan ilaa 220 xildhibaan.
Kulanka kadib ayaa waxa ay soo saareen Warsaxaafadeed ka koobaan dhowr qodob oo ay ku sheegeen in Gudoomiye Jawaari uu jebiyey Sharciga iyo Dastuurka dalka.
Xildhibaan Aadan Isxaaq oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa u Akhriyey Warmirtiyeedka waxa uuna sheegay in gudoomiye jawaari uu ku xadgudbay dhowr qodob oo Dasruurka dalka u yaalla.
Waxa uu sidoo kale sheegay in uusan noqon qof dhex dhexaad,isla markasna uu talada u dhiibtay xildhibaano yar.
Sidoo kale waxa ay ku eedeeyeen in uusan dhisin ilaa iyo hadda guddiga adeega baarlamaanka oo ay sheegeen in uu yahay qodob dastuuri ah,kaas oo qorshuhu ahaa in la dhiso kulankii ugu horeeyey ee Baarlamaankii 9aad ee uu gudoomiye ka ahaa Maxamed Sheekh cusmaan Jawaari.
Goordhow la socda Codka War-Saxaafadeedka.