Xildhibaanada labada Aqal ee laga soo doortay Galmudug oo Go’aan ka qaatay khilaafka Cusub ee Madaxda Maamulkaas

Warsaxaafadeed ay Maanta soo saareen xildhibaanada labada Aqal ee deegaan doorashadoodu tahay deegaanada Galmudug ayaa wax ay mowqif ka qaateen khilaafka Cusub ee xilligaan kasoo dhex cusboonaaday madaxda maamulka Galmudug.

Xildhibaanada labada Aqal ayaa waxa ay sheegen in ay horay ula kulmeen Madaxda Galmudug sida Madaxweyne Xaaf,Madaxweyne ku xigeenka Maxamed Xaashi Cabdi,guddoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casir iyo sidoo kale Beelaha tabashada ka qaba maamulkaas,iyaga oo dhaliilay qaabka loo marayo heshiiskii Galmudug iyo Ahlusunna.

Waxa ay sheegeen in heshiiskii labada dhinac ay ku wada gaareen dalka Jabuuti an loo marin wadadii saxda aheyd siagar ah iskudarkii labada xildhibaan iyo habka awood qeybsiga beelaha dega deegaanada Maamulka Galmudug.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in la sameeyey dastuur cusub,isla markaana la bedelay kii hore kaas oo tixgelin gaar ah lagu siiyey mid ka mid ah dhinacyadii heshiiskaas wada,sidoo kalena uu ku jiraan qodobo khilafsan Dastuurka dalka.

Ugu dambeyn waxaa lagu sheegay Warsaxaafadeedka in waqtiga xilheynta Hey’adaha Fulinta iyo sharci dejinta uu ku egyahay June iyo July ee sanadka 2019.

Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedla oo dhameystiran.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media