• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Tuesday, June 17, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Xildhibaanada Labada Aqal ee kasoo jeeda Jubbaland oo u hoggaansamay amarkii Axmed Madoobe

Dalsan Editor by Dalsan Editor
November 7, 2024
in Warar
Reading Time: 2 mins read
A A
Xildhibaanada Labada Aqal ee kasoo jeeda Jubbaland oo u hoggaansamay amarkii Axmed Madoobe
53
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo, iyagoo ka qeyb galaya shir wadatashi ah oo uu iclaamiyay Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Mas’uuliyiin sar-sare oo ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa si diirran ugu soo dhaweeyay wafdiga xildhibaanada garoonka diyaaradaha ee Kismaayo, halkaas oo ay ka bilaabatay xog-wareysi iyo kulamo hordhac ah oo ay xildhibaanadu la yeelanayaan madaxda maamulka.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa dhawaan baaq u diray xildhibaanada matala Jubbaland ee ku jira labada Aqal, isagoo ku adkeeyay inay si degdeg ah ugu yimaadaan Kismaayo, si loo dardargeliyo wadahadallada muhiimka ah ee ku saabsan mustaqbalka doorashooyinka. Baaqan ayaa imanaya xilli uu taagan yahay khilaaf xoogan oo u dhexeeya maamulka Jubbaland iyo dowladda Federaalka, kaasoo salka ku haya qaabka loo wajahayo doorashada Qof iyo Cod ee dalka.

Qodobka ugu culus ee la isku hayo ayaa ah qaab-dhismeedka doorashada oo Axmed Madoobe doonayo in lagu saleeyo habka Jubbaland u aragto in uu xaqiijin karo hufnaan iyo amni doorasho, halka dowladda dhexe ay ku adkeysaneyso in hanaanka doorashada lagu saleeyo qorshaha qaranka ee ay hogaamineyso Villa Somalia.

Khilaafkan siyaasadeed ayaa maraya meeshii ugu sareysay, iyadoo dhowaan qaar ka mid ah wasiirrada Jubbaland ee ka tirsanaa Golaha Wasiirrada Federaalka ay xilalkooda iska casileen, taasoo sii hurisay xaaladda siyaasadeed ee cakiran.

Magaalada Kismaayo ayaa maalmaha soo socda noqon doonta xarun uu ka furmo kulanka Axmed Madoobe iyo xildhibaanada ka soo jeeda Jubbaland, Go’aamada laga soo saaro kulamadan ayaa la filayaa inay saameyn weyn ku yeeshaan xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo xiriirka Jubbaland la leedahay dowladda dhexe.

Previous Post

NISA oo Soo bandhigtay Xubno ka tirsan AS oo lagu qabtay Howlgal Qorsheysan

Next Post

Dhageyso:- Barnamijka Wareegga Wararka 24-Ka Saac Ee Radio Dalsan 07/11/2024

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Kulan Ka Mid Ah Golaha Shacabka oo U Baaqday Kooram La’aan Awgeed
Warar

Kulan Ka Mid Ah Golaha Shacabka oo U Baaqday Kooram La’aan Awgeed

June 16, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh: Dowladda Soomaaliya Weli Waxaa Ka Go’an Wadatashi Qaran iyo Midnimo Siyaasadeed
Warar

Shirka Wadatashiga Qaran oo Lagu Wado Inuu Ka Furmo Muqdisho Galabta

June 16, 2025
Buundada  Bariire oo Qarax Lagu Burburiyay
Warar

Buundada Bariire oo Qarax Lagu Burburiyay

June 16, 2025
Trump oo la sheegay inuu diiday qorshe Israa’iil ku dooneysay dilka Aayatollah Khamenei
Caalamka

Trump oo la sheegay inuu diiday qorshe Israa’iil ku dooneysay dilka Aayatollah Khamenei

June 16, 2025
Dib-udhac ku yimid shirkii Wadatashiga Qaran ee uu iclaamiyay Madaxweyne Xasan Sheekh
Warar

Dib-udhac ku yimid shirkii Wadatashiga Qaran ee uu iclaamiyay Madaxweyne Xasan Sheekh

June 15, 2025
Weerarro culus oo u dhexeeya Iran iyo Israa’iil oo cirka isku shareeray
Caalamka

Weerarro culus oo u dhexeeya Iran iyo Israa’iil oo cirka isku shareeray

June 15, 2025
Next Post
Dhageyso:- Barnamijka Wareegga Wararka 24-Ka Saac Ee Radio Dalsan 26/1/2022

Dhageyso:- Barnamijka Wareegga Wararka 24-Ka Saac Ee Radio Dalsan 07/11/2024

Somalia Concludes Participation in the 113th International Labour Conference and Condemns Malicious Campaign

Somalia Concludes Participation in the 113th International Labour Conference and Condemns Malicious Campaign

by Gesey Liban
June 16, 2025
0

The Somali delegation led by the Minister of Labour and Social Affairs Hon. Yusuf Mohamed Adan has concluded its participation...

Kulan Ka Mid Ah Golaha Shacabka oo U Baaqday Kooram La’aan Awgeed

Kulan Ka Mid Ah Golaha Shacabka oo U Baaqday Kooram La’aan Awgeed

by Ilhaan
June 16, 2025
0

Kulankii maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa u baaqday sababo la xiriira kooram la’aan, iyadoo fadhiga ay...

Madaxweyne Xasan Sheekh: Dowladda Soomaaliya Weli Waxaa Ka Go’an Wadatashi Qaran iyo Midnimo Siyaasadeed

Shirka Wadatashiga Qaran oo Lagu Wado Inuu Ka Furmo Muqdisho Galabta

by Ilhaan
June 16, 2025
0

Waxaa galabta lagu wadaa in si rasmi ah magaalada Muqdisho uga furmo shirkii uu dhawaan iclaamiyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya,...

Buundada  Bariire oo Qarax Lagu Burburiyay

Buundada Bariire oo Qarax Lagu Burburiyay

by Ilhaan
June 16, 2025
0

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaannada Awdhiigle, Bariire, Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha...

Somalia Concludes Participation in the 113th International Labour Conference and Condemns Malicious Campaign
English News

Somalia Concludes Participation in the 113th International Labour Conference and Condemns Malicious Campaign

June 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Kulan Ka Mid Ah Golaha Shacabka oo U Baaqday Kooram La’aan Awgeed
Warar

Kulan Ka Mid Ah Golaha Shacabka oo U Baaqday Kooram La’aan Awgeed

June 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweyne Xasan Sheekh: Dowladda Soomaaliya Weli Waxaa Ka Go’an Wadatashi Qaran iyo Midnimo Siyaasadeed
Warar

Shirka Wadatashiga Qaran oo Lagu Wado Inuu Ka Furmo Muqdisho Galabta

June 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Buundada  Bariire oo Qarax Lagu Burburiyay
Warar

Buundada Bariire oo Qarax Lagu Burburiyay

June 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Trump oo la sheegay inuu diiday qorshe Israa’iil ku dooneysay dilka Aayatollah Khamenei
Caalamka

Trump oo la sheegay inuu diiday qorshe Israa’iil ku dooneysay dilka Aayatollah Khamenei

June 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
India’s Diplomatic Tightrope: Why New Delhi Refused to Condemn Israel in SCO Statement on Iran Strikes
English News

India’s Diplomatic Tightrope: Why New Delhi Refused to Condemn Israel in SCO Statement on Iran Strikes

June 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Somalia Concludes Participation in the 113th International Labour Conference and Condemns Malicious Campaign
  • Kulan Ka Mid Ah Golaha Shacabka oo U Baaqday Kooram La’aan Awgeed
  • Shirka Wadatashiga Qaran oo Lagu Wado Inuu Ka Furmo Muqdisho Galabta
  • Buundada Bariire oo Qarax Lagu Burburiyay

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00