Maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 17-ka bisha Octoober 2018 ayaa waxaa Xarunta Golaha Shacabka ee Magalada Muqdisho kulankooda caadiga ahaa ku yeelanaya Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya.
Ajendaha kulanka Maanta ayaa ah aqrinta koowaad ee hindise sharciyeedka bartilmaameysiga cunaqabateynta dhaqaalaha dalka sida ay Radio Dalsan u sheegeen Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka.
Xildhibaanada ayaa xalay lagu wargeliyay in Maanta oo Arbaco ah inuu jiro kulanka baarlamaanka.isla markaana looga baahan yahay inay soo xaadiraan.
Hindise sharciyeedka bartilmaameysiga cunaqabateynta dhaqaalaha dalka ayaa ah markii ugu horeysay ee lahor-keeno xildhibaanada Golaha Shacabka,iyada oo uu Maanta mari doono aqrinta koowaad.