Xildhibaanada Golaha Shacabka oo Maanta kulan yeelanaya

Waxaa Maanta oo Isniin ah lagu wadaa in Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay kulankoodii caadiga ahaa ay ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka ay yeelanayan Maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 13-ka Bisha January 2020, ayaa Ajendihiisu waxa uu yahay Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Jaangoynta & Tayo Dhawrka.

Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa hadda ka socda diyaar garow ku aadan sidii uu kulanka u furmi lahaa, waxaana kasoo qeyb galaya inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasi oo xalay lagu wargeliyay inuu jiro kulanka.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa todobaadkii kulan yeesha Saddex maalmood oo kala ah Sabti, Isniin iyo Arbaco, iyadoona ay xusid mudan tahay in xiliyada qaar ay kulamo deg deg ah yeeshaan iyo kuwo Su’aalo lagu weeydiinayo Golaha Wasiirada Xukuumadda.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media