Xildhibaanada Golaha Shacabka oo Maanta kulan leh iyo Ajendayaasha laga hadlayo

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo khamiis ah waxaa lagu wadaa in kulankooda caadiga ah ay ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho, taasi oo ku dhex taalla Xarunta Madaxtooyada.

Ajendaha kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa uu yahay afar qodob oo kala ah dhageysiga Warbixin la xiriirta dhibaato weyn oo ka jirta Gobolka Bakool, u codeynta labada Habdhawre ku-Xigeen ee magacaaban, doorashada xubnaha Guddiga kor joogteynta Dib- u- Eegista dastuurka ee Golaha Shacabka iyo xiritaanka kalfadhiga 1aad ee Golaha.

Xoghayaha Golaha Shacabka Cabdikariin Buux ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka goorsii horreeysay oo xalay u diray farriimo wargelin ah oo ku aadan in Maanta uu jiro kulan, isla markaana Xildhibaanada looga baahan yahay inay kasoo qeyb galaan.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa shir guddoomin doona kulankii ugu danbeeyay ee xiritaanka kalfadhiga 1-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana sida uu qorshahay yahay Xildhibaanada ay geli doonaan fasax kooban.

Kulankii Xildhibaanada ay yeesheen axadii lasoo dhaafay ayaa waxaa lagu dhaariyey Madaxweynihii hore ee dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo noqday Xildhibaan Abadiya,

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor