Golaha Shacabka ayaa maanta ka doodaya Canshuuraha iyo cabashada ka imaanaysa ganacsatada, kuwaasi oo maalmihii ugu dambeeyay ay kasoo yeeraysay qaylo dhaan ku aaddan lacago ay dowladdu kusoo rogtay.
Xildhibaanada ayaa la isugu yeeray kulan xasaasi ah, oo ay maanta ka yeelanaya arrinta keentay kacdoonka dadweyne,maaddaaama ganacsatada iyo dadka shacabka ahi ay sheegeen inaysan awoodin lacagaha lagu soo rogay Goobaha ganacsiga ah.
Farriin shalay loo diray Xildhibaanada ayaa lagu war-galiyay inay soo xaadiran Xarunta Baarlamaanka ee Villa Hargeysa, waxaana si gaar ah looga doodayaa Canshuuraha iyo cabashada ka imaanaysa ganacsatada.