Xildhibaanada Golaha Shacabka oo Berrito la isugu yeeray kulan lagu dhaarinayo Farmaajo

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maalinta berrito oo sabti ah lagu wadaa in kulan ay ku yeeshaan Xaruntooda Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdishio.

Ajendaha koowaad ee kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa uu yahay dhaarinta Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo oo noqonaya Xildhibaan Abadiya.

Sidoo kale kulanka Golaha ayaa waxaa lagu dhaarin doonaa Adv Dahir – Xubin Guddiga Madaxa banaan ee hirgalinta Dastuurka iyo Doorashada Guddoonka Guddiyadda Golaha Shacabka.

Xildhibaanada Golaha ayaa lagu wargeliyey inay kasoo qeyb galaanka kulankaas berrito, waxaana Xildhibaanada hortegaya Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor