Xildhibaanada Golaha Shacabka oo berri yeelanaya kulan xasaasi ah

Xildhibaanada Golaha shacabka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maalinimada berri ah waxaa ay yeelan doonaan kulan gaar ah.

Berri oo Isniinah oo ay Taariikhduna ay ku beegan tahay  12 April, ayaa waxaa jira kulan xasaasi ah oo ay yeelan doonaan Xildhibaanada Golaha shacabka Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana kulanka looga hadlayaa arrimo ku aaddan xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha khilaafku k ataagan yahay.

Xildhibaanada ayaa farriin loo diray taasi oo sheegaysa in berry uu jiro kulan gaar ah oo Ajandihiisu yahay Ka doodista Mooshin ku sahabsan Doorashooyinka Qaranka, waxaana lagu war galiyay Xildhibaanadu in ay soo xaadiraan 09:00 subaxnimo.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor