Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ansixiyay Sharci muhiim ah

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta ansiyay sharciga Maareynta Maaliyadda Dalka,kadib kulankii ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada ayaa dood dheer ka yeeshay ansixinta sharciga Maareynta Maaliyadda Dalka oo ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya.

Xildhibaanada ayaa Cod gacan taag ah ku ansixiyay sharciga,waxaana ogolaatay 135 Xildhibaan,halka 5 Mudane ay diideen,isla markaana waxaa ku dhawaaqay Natiijada Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mursal Sheekh Cabdiraxaam oo sheegay in uu ansax yahay sharciga ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda.

Dhanka kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa digniin u diray xubnaha ka maqan kulamada,isagoo xusay in xeer hoosaadka lala tiigsan doono xildhibaankii sabab la”aan u maqan.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media