Xildhibaanada Gobolada Waqooyi oo sheegay  in Guddoomiye Cabdi Xaashi aanu matalin

Xildhibaanada golaha Shacabka ee kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ayaa soo saaray war-murtiyeed ay ku shaaciyeen in Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi aanu ku matalin hadalada iyo qaraalada uu inta badan ku duro Guddiyada doorashooyinka, kaasi oo muran badan dhaliyay ayna ka hor yimaadeen Mushixiinta u taagan Qabshada Xilka Madaxweynaha.

War saxaafadeed ay ku saxiixan yihiin illaa 47 Xildhibaan oo ka kala tirsan Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayay ku sheegeen in Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi aanu ku matalin Xildhibaannada labada Gole hadalada iyo qoraalada uu ka soo saarayo, kuna duriyo dhismaha Guddiyada doorashada, iyagoo shegay Xildhibaanadu in hab sax ah loo maray dhismaha Guddiyada doorashada.

Waxa sidsoo kale ay sheegeen in Cabdi xaashi uusan ku matalin Xildhibaannada labada Gole hadalada iyo qoraalada soo saarayo, waxaana intaas ay ku dareen in Guddoomiyuhu uu inta badan durayo Guddiyada doorashooyinka, taasina aysan ku raacsanayn Xildhibaanno ahaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media