Xildhibaanada Cusub ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11aad ayaaa lagu war galiyay in yimaadaan akadamiyada tababarka Ciidanka Booliska ee Generaal Kaahiye (police academy) saacadu markay tahay 9:30 aroornimo.
Qoraal kooban oo loo diray Xildhibaanada ayaa u qornaa sida tan:
Beri hadii ilaahay yiraahdo xildhibaanka oo wata aqoonsigiisaa waxuu imaanayaa akadamiyada tababarka Ciidanka Booliska ee Generaal Kaahiye (police academy) saacadu markay tahay 9.30 aroornimo.
Halkaa ayaa basas looga qaadayaa Xildhibaanada oo lagu geynayaa Teendhada Afasiyooni oo ah goobta xaflada dhaarintu ka dhacayso.
Baabuurtiina iyo askartiin waxaa uga tageysaan barxada Dusiga tababarka Booliska ee Genaral Kaahiye
FG: Xildhibaanada Degan Agagaarka Airporka Waa In Ay Yimaadaan Saldhiga Airporka Halkaas Oo Loogu Diyaariyey Basaki Ka Qaadi Lahaa Islamarkana Uu Geyn Laha Goobta Dhaarinta.