Xildhibaanada Cusub ee Koonfur Galbeed oo ku dhawaaqay Guddi Doorasho

Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka labaad ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa kulankii ugu horreeyay ku yeeshay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Ajendaha kulanka Xildhibaanada Baarlamanka ayaa waxaa uu ahaa ansixinta Guddiga soo diyaarinaya Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed iyo ku xigeenadiisa.

89 Xildhibaan ayaa kasoo qeyb galay kulanka,  iyagoona meel-mariyay Guddi ka kooban 15 xubnood oo Xildhibaanada ka mid ah kuwaas oo soo diyaariyaha Doorashada Guddoonka oo dhawaan la filayo inay ka dhacdo Baydhabo.

Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka Koonfur Gabeed ayaa maalmo kahor la dhaariyay, waxaana horyaalla shaqooyin badan oo laga doonayo inay qabtaan oo ay ugu horreeyso Doorashada Guddoonka Baarlamanka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media