Xildhibaanada Aqalka Sare oo Ansixiyay Xubnaha ku matalaya Guddiga dastuurka

Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansaxiyay xubnaha Aqalka Sare ku matalaya Guddiga dib u eegista iyo la socodka hirgalinta Dastuurka.

Xubnaha ku matalaya Aqalka Sare Guddiga dastuurka ayaa ka kooban 5 xubnood, kuwaasi oo Xildhibaanada Aqalka sare ay cod gacantaag ah ku ansixiyeen, si ay u matalaan.

Xubnaha la ansixiyay ayaa kala ah:

  1. Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid)
  2. Senator Iftiin Xasan Iimaan (Baasto)
  3. Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)
  4. Senator Saalax Axmed Jaamac
  5. Senator Xasan Xuseen Xaaji.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor