Xildhibaan shaaciyay in DF Culeys ku saari doonaan baarista kufsiga & dilkii Xamdi

Xildhibaan Cabdi Shire Jaamac oo ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ayaa si kulul uga hadlay falkii kufsiga iyo dilka isugu jiray ee maalmo kahor loo geystay Maxamuud Xamdi Maxamed Faarax, kadibna dabaq laga soo tuuray.

Xildhibaan Cabdi Shire oo ka hor hadlaayay Golaha Shacabka ayaa sheegay inuu aad xun yahay falkaas foosha xumaa ee loo geystay Xamdi Maxamed, isagoona tacsi u diray qoyskii iyo Umamada Soomaaliyeed ay ka geeriyootay Xamdi.

Raggii dambeeyay falka ayuu Xildhibaan Cabdi Shire Jaamac ku tilmaamay inay ahaayeen kuwo arxan-laawayaal ah oo goobta ka baxsaday markii ay geysteen dhibaatada, wuxuuna laamaha amniga dowladda ka dalbaday in gacanta lagu soo dhigo raggaas.

Isaga oo sii hadlaayay Xildhibaan Cabdi Shire Jaamac ayaa waxaa uu sheegay in dowladda Federaalka ay cadaadis ku saari doonaan baaritaanka kufsii loo geystay Marxuumad Xamdi, isla markaana arritaas aan laga hari doonin.

Shalay ayay aheyd markii Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka federaalka ay gudbiyeen Mooshin ka dhan ah kufsiga iyo dilkii ka dhacay Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir, uuna Guddoonka Golaha sheegay in dhacdadaas guddi loo saari doono.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media