Xildhibaan C/laahi M. Shaacir oo mar kale ku soo Baxay Kursigii lagu Celiyey ee Jubbaland.

Cabdullaahi Maxamed Aadan Shaacir ayaa kusoo baxay Dooarsho ka dhacday Galabta magaalada kismaayo xarunta Kmg ee maamuka Jubbaland kadib Taratan uu lagalay Cabdiraxiin Ibraahin Xayle iyo Wasiirka Batroolka  Maxamed Muqtaar.

Shaacir ayaa ku guuleestay sida uu shaciyey guddiga Doorashadaasi 40-Cod halka cabdiraxmaan Ibraahim xayle uu helay 2-Cod,iyadoo musharxa kale ee Maxamed Mukhtaar   uu helay  1-cod sidaasina uu kuoo baxay markale xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Aadan Shaacir oo horey ugu guuleestay  kursigaas Doorasho ka dhacday isla magaalada Kismaayo Balse dib loo celiyey Kursigaasi.

Waa Xildhibaankii ugu danbeeyey Shaacir ee kamid noqda baarlamaanka Soomaaliya waxaana uu kusrigaan kamdi ahaa 5-tii kursi ee dib loo celiyey kadib Tabasho katimid Kuraastaasi oo hada markale lasoo Doortay waxaan ugu danbeeyey  xildhibaan Shaacir iyadoo 4-ta kale lasoo Doortay.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media