Xildhibaan Sakariye Xaaji”Hadii Xeerka Agaasinka Bankiga Dhexe Xildhibaanadu anisixiyaan waa qiyaano Qaran”

Xildhibaan Sakariye Xaaji Maxamuud oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacbaka,isla markaana hadal ka jeedinayay kulanka Maanta ee Golaha ayaa siweyn uga soo horjeestay Xeerka Xeerka Agaasinka Bankiga Dhexe oo baarlamaanka horyaalla.

Waxa uu guddoomiyaha Golaha Shacabka ka dalbaday cadeynta in warqada Xeerka ku qoran yahay lasoo marsiiyay dhamaan Golaha Wasiirada,waxana uu walaac xoogan ka muujiyay in Xildhibaanada ansixiyaan xeerkaas.

“Waxaan walaac ka qabaa in xildhibaanadu xeerkaas ansixiyaan,waxaa na daawanaya dad Aqoonyahano ah iyo kuwo aan matalno,hadii xildhibaanadu ansixiyaan waa qiyaano qaran ayuu yiri Xildhibaan Sakariye Xaaji Maxamuud.

Waxa uu Xildhibaanada Golaha Shacabka uga digay inay ansixiyaan Xeerka Agaasinka Bankiga Dhexe oo hadda doodiisu ay ka socoto Xarunta Golaha Shacabka ee Magalada Muqdisho.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor