Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble Cali oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Madaxda dowladda Federaalka uga diay inay sameeyaan muddo kororsi.
Isaga oo ka hadlaayay Munaasabad lagu qabtay Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo iyo Xukuumadiisa aysan weli sameeysan Xisbi siyaasadeed, isaga oo tilmaamay in Doorashada Madaxtinimada dalka ay ka harsan muddo kooban.
Sidoo kale Xildhibaan C/qaadir Cosoble uu sheegay inuu soo dhaweeynayo Sharciga Doorashooyinka qaranka ee uu soo saxiixay Madaxweynaha, wuxuuna xusay inay diyaar u yihiin in dalka ay ka dhacdo Doorasho.
Waxaa uu sheegay Xildhibaan Cosoble in Madaxda dowladda Federaalka aan marnaba laga aqbali doonin Muddo kororsi inay sameeyaan, wuxuuna Carabka ku dhuftay in dalka ay soo hayeen muddo saddex sano ah uuna weli u socdo sanadkii afaraad.
“Laakin mid in aan la aqbali doonin Madaxweynahan hoosta ka xariiqdo Waqtigii Doorashada inta la gaaro sharcigii aan la rabaa in la tadbiiqiyo sidaas darteed dib haloo dhigo Doorashada in aan la yeeli doonin” ayuu yiri Xildhibaan Cosoble.
Si kastaba siyaasiyiin, qaar kamid ah Madaxda dowlad Goboleedyada dalka iyo Mas’uuliyiin kale ayaa Madaxda dowladda uga digay inay sameeystan muddo kororsi.