HomeCaalamkaXildhibaan Mucaarad ahaa oo loo doortay Guddoomiyaha Barlamaanka dalka Algeria

Xildhibaan Mucaarad ahaa oo loo doortay Guddoomiyaha Barlamaanka dalka Algeria

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Xildhibaanadda Barlamaanka dalkaasi waxay Guddoomiyaha cusub u doorteen Suleymaan Shiniin, wuxuuna xilka kala wareegayaa Guddoomiyihii iska casilay xilkaasi oo lagu magacaabo Micaad Buu Shaarab. Khudbad uu ka jeediyey Barlamaanka waxa uu ugu baaqay Shacabka inay u midoobaan sidii looga bixi lahaa xaalladda haatan ka taagan dalkaasi, wuxuuna soo dhaweeyey Mowqifka Milliteriga ee lagula dagaalamayo Musuqmaasaqa. […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Xildhibaanadda Barlamaanka dalkaasi waxay Guddoomiyaha cusub u doorteen Suleymaan Shiniin, wuxuuna xilka kala wareegayaa Guddoomiyihii iska casilay xilkaasi oo lagu magacaabo Micaad Buu Shaarab.

Khudbad uu ka jeediyey Barlamaanka waxa uu ugu baaqay Shacabka inay u midoobaan sidii looga bixi lahaa xaalladda haatan ka taagan dalkaasi, wuxuuna soo dhaweeyey Mowqifka Milliteriga ee lagula dagaalamayo Musuqmaasaqa.

- Advertisement -

Suleymaan Shiniin oo madax ka ah Xisbiga Dhaqdhaqaaqa Qaran ee Dhismaha Algeria  waxa uu hoggaamiyaa Kudlad Xildhibaano ka kala socda Xisbiyadda Alnahda iyo Al-cadaala.

Dhinaca kale, Guddoomiyihii hore ee Barlamaanka Algeria waxa u uis-casilay bishan July 2-dii, kadib, markii uu cadaadis kala kulmay Dibadbaxayaal iyo Siyaasiyiin, si uu xilka uga dego.

Taliyaha Guud ee Milliteriga dalkaasi, Jeneral Gaa’id Salaax waxa uu wacad ku maray in dacwad lagu soo oogayo dhamaan Saraakiisha Dowladii hore ee lagu tuhunsan yahay inay ku kaceen musuq .

- Advertisement -

Labo Ra’isul-wasaarayaal horey uga soo noqday dalkaasi, Axmed Aw Yaxya iyo C/maalik Sellal ayaa xiran, kuwaasi oo lagu eedeynayo falal musuq ah..

Sida laga soo xigtay Xisbiga Dhaqdhaqaaqa Qaran ee Dhismaha Algeria  ee dalkaasi, Guddoomiyaha cusub ee Barlamaanka, Suleymaan Shiniin waa Qoraa, Saxafi iyo xubin ka tirsan Ururka Barlamaanadda Al-qudus, waana mid ka mid ah Asaasayaashii Ururka Guud ee madaxa bannaan ee Ardayda dalka Algeria ( the Free General Union of Students in Algeria (GNFR).

Qoraal la soo dhigay Barta Facebook ee Xisbiga Dhaqdhaqaaqa Qaran ee Dhismaha Algeria waxaa lagu sheegay inuu Sulaymaan Sheniin qeyb ka ahaa dhaqdhaqaaqa Dibadbaxyadda ka socda dalkaasi tan iyo markii ay Dibadbaxyadaasi bilowdeen bishii Feberaayo 22-dii ee sannadkan.

Bishii la soo dhaafay, waxaa dib loo dhigay Doorashadda Madaxweynenimadda ee dalkaasi oo dhici lahayd bishan July 4-dii, kadib, markii labada Murashaxa ee keliya ee isku taagay  doorashadaasi laga mamnuucay inay xilkaasi qabtaan.

Lama sheegin taariikhda la qaban doono Cod-bixinta doorashada lagu dooranayo Madaxweynaha cusub ee dalka Algeria.

Si kastaba ha ahaatee, waa markii ugu horreysay Taariikhda Barlamaanka Algeria oo Xildhibaan Mucaarad ah loo doorto Guddoomiyaha Barlam

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts