Magalada Muqdisho waxaa Maanta ku geeriyooday Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,kaas oo maalmihii la soo dhaafay xanuunsanaa.
Xildhibaanka geeriyooday ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Kheyre Maxamed Axmed,waxaana la sheegay in maalmihii lasoo dhaafay xaaladiisa Cafimaad lagula tacaalayay mid ka mid ah Isbitaalada ku yaalla Magalada Muqdisho.
Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed ayaa geerida Xildhibaanka Dalsan u xaqiijiyeen,waxaana ay uga tacsiyadeeyeen Eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday.