Xildhibaan ku geeriyooday Baydhabo iyo Maamulka KGS oo ka hadlay

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxaa gelinkii dambe ee shalay ku geeriyooday Xildhibaan ka tirsan Baarlamaaanka Koonfur Galbeed.

Allaha u naxariistee Xildhibaanka geeriyooday ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Yuusuf Cabdinuur, isagoo la sheegay in maalmihii lasoo dhaafay uu xanuunsanaa.

Guddoomiyahq Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cali Saciid Fiqi ayaa tacsiyo tiiraayo le udirey dhamaan ummada reer Koonfur Galbeed gaar ahaan Ehladii iyo qoyskii uu ka dhintay  Xildhibaan Yuusuf Cabdinuur.

“Aniga oo ku hadleya Magaceyga kan Xildhibaanada Baarlamanka Koonfur Galbeed iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, waxaan halkan tacsiyo ugu direyaa qoyskii uu ka geeriyoodey iyo umadda reer KG Xildhiban Yuusuf Abdinuur oo ka Mid ahaa Xildhibanada KG” ayuu yiri Guddoomiye Fiqi.

“Waxaan Illahay uga bariyeynaa in jannadii Fardowso uu ka waraabiyo anagana gadaashiisa uusan  na fidneynin” ayuu sii raaciyay hadalkiisa Guddoomiye Cali Fiqi.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media