Xildhibaan ka tirsan Barlamaanka Federalka, kana soo jeeda Somaliland oo ku geeriyooday Muqdisho.

Allaha U Naxariistee Saciid Xasan Geeddi oo ka tirsanaa Xildhibaanadda BFS ayaa xalay ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla magaalladda Muqdisho.

Xoghayaha BFS, C/kariim Xaaji Cabdi Buux ayaa Saxaafadda u xaqiijiyey geerida Xildhibaanka, kaasi oo maalmihii la soo dhaafay ku xanuunsanaa Muqdisho.

Marxuum Saciid Xasan Geeddi ayaa ka mid ahaa Xildhibaanadda ka soo jeeda Beelaha deggan Somaliland ee ku soo biiray BFS, waxaana uu ahaa Xildhibaanka keliya ee ka tirsan 329-Xildhibaan oo aan codkiisa dhiibanin Doorashaddii bishan 8-dii lagu soo doortay Madaxweynaha Cusub ee DFS.

Xildhibaanku waxa uu Mudanayaasha BFS ka tirsanaa tan iyo sannadkii 2012-kii, wuxuuna ahaa Xildhibaan Halyeey ah.

Allaha  U Naxariisto Marxuum Xildhibaan Saciid Xasan Geeddi.  = Aamiin =

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media