Xildhibaan Cusub oo kamid noqday Baarlamaanka Maamulka Puntland  

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa kulankii labaad kal-fadhigiisa 47-aad Maanta ku yeeshay Magaalada Garoowe, waxaana shir guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaas Cabdirashiid Yuusuf Jaabir.

Ajendaha kulanka Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa waxaa uu ahaa soo jeedinta ogolanshaha Xubinnimada Xildhibaan cusub iyo Ajandaha Kalfadhiga 47-aad.

Ka dib soo jeedinta Guddiga Anshaxa iyo Arrimaha Gudaha Golaha Wakiillada DPL,

MARKUU ARKAY:- Qodobka 61-aad iyo Lifaaqa 4-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland.

MARKUU ARKAY:- Qodobka 62.3-aad farqadiisa 6-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

MARKUU ARKAY:- Qoraalka ku taariikhaysan 30/09/2020 ee Beeldaaje Cali Beeldaaje Faarax Beeldaaje Maxamuud oo ah saxiixa xubintaas uu Golaha Wakiillada u soo gudbiyey in Ayuub Nuur Muuse uu buuxiyo kursiga xubinta Golaha Wakiillada ay Beeshu ku leedahay ee uu banneeyey Xildhibaan hore Allaah u naxariistee Daa’uud Nuur Muuse.

MARKUU HUBIYEY: In Ayuub Nuur Muuse( Riyaax) uu buuxiyey Shuruudihii xubinnimada Golaha Wakiillada ee ku xusan Qodobka 61- aad ee Dastuurka Puntland.

WUXUU GUDDIGU SOO JEEDINAYAA:

In Ayuub Nuur Muuse (Riyaax) uu Golaha ka hor akhriyo taariikh-nololeedkiisa, kadibna loo dhaariyo ka mid noqoshada Xubinnimada Golaha Wakiillada DPL.

Waxaana si rasmi ah Maxkamadda sare ee Puntland ugu dhaarisay ka mid noqoshada Xubinnimada Golaha Wakiillada DPL.

Dhinaca kale, Xildhibaannada Golaha Wakiilada ayaa loo gudbiyey Ajandaha qabyada ah ee Kalfadhiga 47-aad Golaha Wakiillada, sida uu qabo Dasuurka Dawladda Puntland Qodobkiisa 8-aad faqrada 5-aad iyo Qodobkiisa 42-aad farqada 1-aad, waxaana lagu wadda in maalina berri ah si rasmi ah loo ansixiyo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media