Xildhibaan Cosoble oo naqdiyey hadal Maanta kasoo yeeray Farmaajo

Murashax Madaxweyne Xuldhibaan C/qaadir Cosoble Cali ayaa waxa uu hadalkaasi ku sheegay Shir Jaraa’id oo uu Maanta qabtay, kadib, Hadal-jeedintii Madaxweyne Farmaajo ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka.

Xildhibaan Cosoble ayaa waxa uu naqdiyey hadal uu Farmaajo ku sheegay in Dhallinyarada loo adeegsaday Xaabada Colaadaha, wuxuuna Xildhibaanku difaacay Qiyamka Dhallinyarada Soomaaliyeed.

“Dhallinyarada ma aha Xaabada Dagaalka, balse waa Difaacayaasha Tiirarka Dimuqraadiyada” ayuu yiri Xildhibaan Cosoble oo xubin firfircoon ka ah Siyaasiyiinta   Midowga Murashixiinta xilka Madaweynaha u taagan.

Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble oo hoggaamiya Xisbiga ILAYS ayaa waxa uu bogaadiyey Dhallinyarada Ciidanka ee labada dhinac ee Dowladda iyo Mucaaradka, isla markaana tilmaamay inay difaacaan dhalinyarada Dimuqraadiyada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor