Xildhibaan Cabdirashiid Xiddig oo ka hadlay Qaraxii la geliyay Hoygiisa

Cabdirashiid Maxamed Xiddig oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,isla markaana kamid ah Musharaxiinta u taagan qabasha xilka Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa uu ka hadlay Qaraxii miinada ahaa ee lagu aasay dhabarka dambe ee Guriga uu ka degan yahay Kismaayo.

Ciidamada ilaalada u ah Xildhibaanka ayaa waxaa la sheegay inay fashiliyeen qaraxaas oo lagu aasay dhabarka ee Guriga uu Magaalada Kismayo ka degan yahay Musharaxa.

War qoraal ah oo boggiisa Facebook uu ku soo qoray Cabdirashiid Maxamed Xiddig ayuu kaga hadlay falkaas,isagoona xusay in Qaraxa laga keenin lagana soo Abaabulin meel ka baxsan Gudaha Kismaayo.

“Cadeynta ugu xoogan ee tilmaameysa raadka halka Qaraxu ka soo jeedo ayaa muujineysa sida dhibka yar ee ay u xanbaarteen Qaraxii oo aan lala socodsiinin heyadihii Amniga ee Jubaland iyo Ciidamada u tababaran kala furida Qaraxyada Taasoo lagaga hortagayo in Hay’adaha Amnigu ay baaritaan ku sameeyaan”ayuu yiri Xiddig.

Sidoo kale waxaa uu xaqiijiyay Xildhibaan Xiddig in Qaraxa uu Qaatay,Gaarigiisana uu  saartay mid kamida Saraakiisha Ilaalada Madaxtooyada Jubaland.

Ugu dambeyntii Cabdirashiid Maxamed Xiddig ayaa Hay’adaha Amniga Jubaland, kuwa Amniga ee dowladda Federaalka iyo Ciidamada AMISOM ka codsaday inay baaritaano degdeg ah ku sameeyaan falkaaas.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media