Xildhibaan C/rashiid Xiddig oo sheegay inay Guddoon cusub dooran doonaan

Qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Soomaaliya ayaa gaashaanka u daruuray xayiraad uu guddoonku ka saaray ka qeybqaadashada fadhiyada baarlamaanka shanta fadhi ee soo aaddan.

Warqadda xayiraadda oo uu ku saxiixan yahay Guddoomiyaha Golaha shacabka ee Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa waxaa ka qaybgalka fadhiyada looga joojiyay 15 xildhibaan.

Xildhibaannadaas ayaa lagu eedeeyay inay hor istaageen fadhigii shalay, hasayeeshee isla xildhibaannadaas ayaa guddoonka golaha shacabka waxa ay ku eedeeyeen inay ajanda kale oo qarsoon ay wateen oo ay meelmariyaan.

Xildhibaannaasi waxaa ka mid ah Cabdirashiid Maxamed Xiddig waxa uuna wareysi uu BBC-da siiyay ku sheegay inaysan jirin wax laga mamnuucay laakin ay arkeen warqadda ka soo baxayday Guddoomihii hore ee Baarlamaanka.

“Warqadda waan aragnay laakin ma ahan warqad macna sameeynayso oo naga joojinayso kala fadhiyada, sida caadiaga ahna baarlamaanka iyo guddoonka hadda jooga ma jiraan fadhiyo, hawl iyo shuruuc ay hadda qabaan karaan.”

Xildhibaanadan ayaa waxa lagu eedeynayaa inay khalalaase ka aabuureen fadhigii shalay ee Baarlamaanka oo ay joojiyeen ajandihii hase yeeshee Xidig ayaa sheegay inay hortaagan yihiin, ayna hortaagnaan doonaan mashruuc ka dhaxeeya Mursal, ku xigeenkiisa Mahad Cawad iyo Madaxweyne Farmaajo oo doonaya inay waqti kororsadan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor