Xil. Xuseen Iidow “Waxaan qabaa in si deg deg sharciga lagu horkeeno qofkii ka dambeeyay gaboodfalka Marxuum Axmed Dowlo”

Xil. Xuseen Idow oo ka mid ah xildhibaanada DFS ayaa qoraal uu ku soo qoray bartiisa Facebook waxuu ku sheegay inuu aad uga xunyahay falkii lagu gubay Axmed Dowlo , waxuuna ka tacsiyeey falkaas isagoo ku baaqay in cadaalad la horkeeno dadkii ka dambeeyey weerarkaas bahalnimada ah .

“Tacadiga iyo dhibaatada loo geystay walaalkeen Axmed Dowlo aad ayaan uga xumahay, waxaana qabaa in  sharciga deg deg lagu horkeeno dadkii geystay tacdigaas “ayuu ku yiri qoraalkiisa.

Hadalka xildhibaanka ayaa imaanaya iyadoo qoraalo baraha bulshada la soo dhigay lagu sheegay in xildhibaan Xuseen Iidow uu u doodayo in xabsiga laga sii daayey eedeysanayaasha ku eedeysan dilki Axmed Dowlo .

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow oo Maanta booqday Hoyga Qoyskii Axmed Dowlo ayaa waxaa uu halkaasi ka sheegay in ay jiraan Xildhibaano doonaya in damiin Xabsiga looga siidaayo dadkii ka dambeeyay dilkaas,

“Wa dacaayad raqiis ah oo la faafinayo mana u doodin mana u doodo doono kuwii falkaas geystay “ayuu yiri Xildhibaan Xuseen Iidow

Dhinaca kale xildhibaanka ayaa sheegay  sameyn doonaan sharci looga hortegayo arimaha heyb sooca si tacdiyada nuucaan ah looga hortago oo looga suuliyo bulshada .

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor