Xiisadda Libya ayaa u muuqata mid faraha ka sii baxaysa, waxaana laga cabsi qabaa inay ku dagaalamaan quwado shisheeye oo kala taageeraya dhinacyada dalkaas isku haya.
Baarlamanka Masar ayaa Isniintii meel-mariyey suurta-galnimada in ciidamo la geeyo meelo ka baxsan xuduudaha dalka, kadib markii madaxweyne Abdel Fattah al-Sisi uu ka hadlay inay dhici karto in howlgal militari ay ka fuliyaan dalka Libya.
Madaxweyne Cabdifitaah Al-Sisi ayaa horey uga digay in ku siqitaanka ciidamada dowladda Libya ee magaalada Sirte ay ku qasbi karto in militariga Masar ay faro-geliyaan dalkaas.
Masar ayaa iyada oo ay wehliyaan Imaaraadka Carabta iyo Ruushka waxay taageertaa ciidamada uu hoggaamiyo Jeneral Khalifa Haftar, halka dowladda Libya ay taageero ka hesho Turkiga iyo Qatar.d