Xiisada Itoobiya oo cirka isku shareertay iyo Abiy oo bixiyay Amar Culus

Rai’sul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa amar ku siiyay militariga dalkiisa in ay gutaan waajibadkooda ah in dalka iyo dadka la badbaadiyo, islamarkana ay tallaabo ka qaadaan gobolka Tigreeda oo ku eedeeyay inay dagaal bilaabeen.

Rai’sul wasaaraha ayaa xisbiga TPLF ku eedeeyay inay weerareen saldhig militari oo ku yaalla gobolka. TPLF ayaa horey waxay ugu eedeeyeen maamulka Abiy in uu marmarsiiyo ka dhiganayo feyriska Corona si uu awoodda u sii hayo maadama waqtigiisu ku ekaa bisha October.

Dowladda dhexe ayaa dhankeeda ku eedeeysay gooni TPLF inay ka dambeeyeen qulqulutooyinka ka dhacay meelo dalka ka mid ah. Sida ay sheegtay shirkadda la socodka xorriyadda internet-ka ee Netblocks- waxaa gobolka Tigreeda ka go’an maanta internetka iyo khadka talefoonada.

Bayaanka uu soo saaray rai’sul wasaaraha ayaa waxaa uu ku yiri “in khadka cas laga tallaabay” islamarkana si dadka iyo dalak loo badbaadiyo uu khiyaarka ugu dambeeyo noqday in awood loo adeeegsado,” TPLF.

Horraantii toddobaadkan gudoomiyaha TPLF Debretsion Gebremichael ayaa ku eedeeyay maamulka rai’sul wasaare Abiy in ay kala shaqeynayaan dowladda dalka Eritrea si loo diyaariyo weerar gobolka lagu soo qaado.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media