HomeWararXiisad dagaal oo Saakay ka taagan deegaanka Tukaraq

Xiisad dagaal oo Saakay ka taagan deegaanka Tukaraq

Date:

Related stories

Istanbul: Soomaaliya oo qayb ka ahayd gaba-gabadii Shirka Baarlamaannada Adduunka

Guddoomiye Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa hoggaaminayay wafdi matalayay Soomaaliya oo ka qayb galay shirweynihii 152-aad ee IPU oo ka dhacay Turkiga.

Halkee laga qodayaa ceelka labaad ee shidaalka Soomaaliya

Wararkii ugu dambeeyay ee sahminta shidaalka Soomaaliya ayaa muujinaya in ceelka Holhol uu noqon karo halka xigta ee dalku ka soo saaro shidaalka.

M.Cali Guudlaawe oo ku dhowaaqay jihada doorashada Hirshabeelle: “Doorasho waa qof iyo cod

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa shir-guddoomiyey kulan degdeg ah oo looga hadlay doorashooyinka iyo khatarta fatahaadaha.

Xil-wareejin ka dhacday Muqdisho: Wasiir Fiqi oo farriin culus u diray madaxda wasaaradda

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta xilka u kala wareejiyay xoghayihii hore ee Wasaaradda Gaashaandhigga iyo xoghayaha cusub. Maqaalkan ka akhriso nuxurka dardaarkii wasiirka,

Wararka naga soo gaaraya deegaanka tukaraq ee Gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi Maanta ay ka taagan tahay xiisad dagaal oo u dhaxeysa Ciidamo kala taabacsan Maaamulada Soomaaliland iyo Puntland.

Deegaanka tukaraq ee Gobolka Sool ayaa waxaa Gacanta ku haya Ciidamada Soomaalilan,waxana la sheegay in ay haatan ku dhawaadeen Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland,iyada oo halkaasi dhowr jeer uu dagaal ku dhexmaray.

Dadka ku nool deeaganka Tukaraq qaarkood ayaa waxa ay sheegayaan in mararka qaarkood ay maqlayaan rasaas aysan ogeyn cida rideysa taas oo cabsi ku beertay.

Shalay gelinkii dambe ayaa Saraakiil ka tirsan Ciidamada Puntland waxa ay gaareen fariisin Ciidamada Puntland ku leeyihiin meel u dhow deegaanka Tukaraq,waxana Madaxweynaha Puntland iyo Saraakiisha Ciidamada ay horay u shegeen in ay ka Go’an tahay in ay dib u soo ceshadaan deegaankaas oo horay lagala wareegay.

Wararkii u dambeeyey ee naga soo gaaraya deegaanka tukaraq ayaa waxa ay sheegayaan in xiisad ay deegaanka tukaraq ka taagan tahay,iyada oo dadka ku nool ay sheegayaan in ay ka casbi qabaan in dushooda lagu dagaalamo.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories