Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo kulamo ka wada magaalada Baydhabo

Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Dr Axmed Cali Daahir oo shalay gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa saacadihii la soo dhaafay kulamo la qaatay masuuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur-galbeed Soomaaliya.

Wefdiga uu hogaaminayay xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Dr Axmed Cali Daahir ayaa kulamada ay la qaateen madaxda maamulka Koonfur Galbeed waxaa looga hadlayay arrimaha xeerarka muhiimka u ah dalka iyo sida dhinacyada ay quseyso ay uga wadashaqeyn karaan.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa magaalada Baydhabo waxaa gaaray masuuliyiin  ka socday beesha caalamka gaar ahaana safiirada dalalka caalamka u jooga Somalia hay’adaha deq bixiyaasha iyo wefdi uu hor kacayay ra’iisul Wasaaraha Somalia Xasan Cali Kheyre

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media