Xasan Sheekh oo dowladda u jeediyay Eedeyn ku aadan Fatahaada Baladweyne

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa eedeeymo kala duwan u jeediyay Madaxda dowladda Federaalka, kadib markii uu Maanta Khudbad ka jeediyay Shirka loogu dhawaaqay Mdashada Xisbiyada Qaran.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladdu ay ka gaabisay u gurmashada dadka uu Magaalada Baladweyne ku saameeyay Fatahaada Wabiga Shabeelle.

Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa waxaa uu tilmaamay in Madaxa dowladda ay u awood u leeyihiin inay lacag badan ku bixiyaan dhismaha Taalooyinka dalka, hayeeshee aysan awoodin inay ay wax u qabato dadka ku dhibaateysan Baladweyne ee dhex Jiifa Biyaha Wabiga, waa sida uu hadalka u dhigay.

Isaga oo sii hadlaayay ayuu sheegay in dowladda looga baahan yahay inay ku baraarug sanaato dhibaatooyinka ay qabaan dadka shacabka ah, isla markaana ay Jawaabto dhibaatada shacabka, isagoona Madaxa ugu baaqay inay qabtaan wixii ay Awood u leeyihiin.

Marka laga soo tago hadalka Xasan Sheekh Maxamuud waxaa xusid mudan in dowladda Federaalka sheegtay inay gargaar  u dirtay Baladweyne, kuwaasi loogu talagalay dadka uu saameeyay fatahaada Wabiga Shabeelle.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media