Xasan Sheekh Maxamuud oo noqday Murashaxii 12-aad ee isku diiwaan geliyey Loolanka Madaxtinimadda.

Sii-hayaha Xilka Madaxweynaha JFS, ahna Murashax Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta iska xaadiriyey Xarunta Guddiga Doorashadda Madaxweynaha ku leeyihiin Villa Hargeysa ee magaalladda Mudqisho.

Murashax Xasan Sheekh ayaa buuxiyey dhamaan Shuruudaha Muraxashnimdda, waxayna Guddiga Doorashadda siiyeen Shahaadada Caddaynta Murashaxnimadiisa, waana markii Labaad ee uu isku ssoo taago Xilkaasi.

Doorashadani waxay ka miisaan  iyo xamaasad culus tahay Doorashadii hore ee dhacday sannadkii 2012-kii.

Dhinaca kale, Kala-bar Murashixiinta Madaxtinimadda ayaa is-diiwaan geliyey, iyadoo ilaa la filayo inay Murashixiinta dhiman is-diiwaan geliyaan ilaa berrito, sida uu qorshaha Guddiga Doorashadda ahaa.

Dhinaca kale, qaar ka mid Murashixiinta Madaxweynah ayaa la hadal-hayaa inay ka bixi doonaa Tartanka Madaxtinimadda, kuwaasi oo lagu micneeyey dib-u-gurashadooda si ay ugu tanaasulaan Murshixiinta kale ee ay Isbahaysiga leeyihiin.

Khamiistii la soo dhaafay, Ra’isul-wasaarihii hore ee DKMGS, Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa noqday Murashixii ugu horreeyey ee xilka Madaxweyne ee u tanaasulo Murashax kale ee C/qaadir Cosoble, wuxuuna ballan qaaday inuu ku taageerayo Ololihiisa Doorashadda.

©Radio Dalsan

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media