Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalda Muqdisho ayaa waxaa Goordhow ka duushay diyaarad ay la socdeen Wafdi ay hogaaminayaan Madaxweyneyaashii hore ee dalka, kadib markii saacdo kooban lagu xayiray Garoonka.
Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif oo ay wehlinayan xubno ka tirsan Madasha Xisbiyada Qaran ayaa uu u amabaxay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, iyagoona halkaas tegi doona saacadaha oo socda.
Sidoo kale Madaxdan ayaa saakay loo diiray in Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ay ka duusho diyaaradii Baladweyne u qaadi laheyd, waxaana Madax ka tirsan Madasha Xisbiyada Qaran ay Dalsan u sheegeen in amarkaas uu ka soo baxay Dowladda.
Madasha Xisbiyada Qaran ayaa Maanta Magaalada Baladweyne waxaa ay gaarsiin doonaan gargaar loogu talagalay dadkii ku barakacay fatahaadii ka dhacday Baladweyne.
Madasha Xisbiyada Qaran ee dalka ayaa ku dhawaaqday $200,000 (Laba boqol iyo konton kun Dollar) oo ah kaalmo gargaar oo lagu caawinayo dadka Soomaaliyeed ee Fatahaaduhu saameeyeen.